Su'aalaha & Jawaabaha ku Saabsan Xog Aruurinta

Dugsigu miyuu ogaanayaa wixii aan iri su'aalaha jawaabtooda?
Xog aruurinta waxaay ku weydiin doontaa khibradaada sida waalidka, mas'uulka, ama daryeel-bixiyaha ee CPS - laakiin jawaabahaagu waxay ahaan doonaan gabi ahaanba kuwo qarsoodi ah. Ma jirto anaga hab aan ku ogaano cida bixisay jawaabaha. Dugsiyadu waxay wax badan ka baran doonaan ra'yiga lagu muujiyay xog aruurinta - tusaale ahaan, fikradahaaga ku saabsan siyaabaha uu dugsigu u caawin karo qoyskaaga si uu utaageero waxbarashada ardayga, iyo haddii aad u maleyneyso in dugsigu uu soo dhaweynayo qoysaska oo idil.

Sidee bay u isticmaali doonaan xog aruurinta CPS?

Sida nidaamka Qorshaynta Degmada oo dhan, xog aruurinta qoyska waxaay qayb ka yahay wareeg waxbarasho oo socda, tijaabinta, dib u habaynta, iyo dhisidda natiijooyin wanaagsan ee ardayda.

Tusalayaasha siyaabaha laga yaabo in CPS wax ka bartaan, ugana jawaabaan waxa aan barano waxaa kamid ah:

  • Ku bixinta dhaqaalo badan si loo xalliyo dhabaato gaar ah oo ay qeexeen qoysaska samaynaya xog aruurinta
  • Kala mudneesiinta tababarka iyo barashada xirfadlaha ee ku saabsan mawduuc gaar ah oo lagu soo qaaday xog aruurinta
  • Abuurida qalabyo cusub ee waxbarashada waalidka ama aqoon kororsi
  • Soo sarista su'aalaha kooxda xallinta si loo usii baadho natiijooyinkii hore ee xog aruurinta

Intee jeer ayaa loo baahan yahay in aan qaato wareysiga, haddii in ka badan hal cunug iigu jira dugsiga?
Waxaan kaa codsaneynaa in aad qaadatid wareysiga hal mar, halkii dugsi, halkii qoys. Waxaan tirada jawaabta aan helno ku saleynaa tirada qoysaska ku qoran dugsiga (kuma saleyno tirada ardayda). Haddii caruurtaada tagaan labo ama in ka badan dugsiyo kala duwan, fadlan wareysi ka qaado dugsi kasta, haddii aad u heshid waqti. Qeybta "Ku Saabsan Cunugaada iyo Qoyska" ("About your Child & Family"), waxaan kugula tallineynaa in aad ka jawaabtid adiga oo madaxa ku haaya cunugaada weyn.

Maxay tahay sababta aad u weydiineysid su'aalo ku saabsan noloshii hore cunugeyga iyo qoyskeyga?
Dugsiyada Dadweynaha Cambridge (Cambridge Public Schools) waxay ballan qaadeen in ay hubiyaan in dhamaan ardayda iyo qoysaska ay wanaag kala kulmaan dugsiyadena. Marka aad warar naga siisid noloshaadii hore, waxaan awood u yeelan doonaa in aan ogaano haddii jinsiyadda, dhallashada, jinsiga ardayga, luqadda looga hadlo guriga ama xaaladda qaadashada qado lacag la'aan ah/la dhimay u muuqdaan in ay saamayn ku leeyahiin wanaagga ay kala kulmaan CPS.

Wareysiyadii la soo dhaafay waxaa laga ogaaday in qoysaska ardayda isku tilmaama in aysan ahayn lab/dhedig (non-binary) ama in ay qaataan jinsi ka duwan midka ay u dhasheen (transgender) in ay dugsigena kala kulmaan dhibaato badan. Iyadoo laga jawaabaayo macluumaadkaan, CPS waxay soo saartay brograam tababar cusub oo loo sameyay in laga hagaajiyo jawaabaha dugsiga siiyo ardaydaan iyo qoysaska. Waxaan aad iyo si dhab ah u fiirinaa sinaan la'aantaan, waxaan ka shaqeynaa in aan qaadno talaabo dhisi doonto sinaan badan iyo ka-qeybgelinta dhamaan qoysaska.

Marka la soo qaado qodobada farsamada, Panorama waxay na siisaa awood aan ku fiirino xogta guud (dhamaan) ama loo kala saaro kooxo (lab/dhedig, jinsiyad/dhallasho, heerka darajada, iwm.) taasoo nagu kaalmeyso in aan fahamno sida arrimaha sinaanta u saameyaan jawiga ka jira dugsiga iyo waxa ay ardayda kala kulmaan.

Sidee ayaad ku badbaadin kartaa in aan la ogaanin qofka aan ahay?
Wareysiga waxaa maamula shirkad ka socoto dibadda, Panorama Education. Qoysaska lama weydiiyo in ay bixiyaan macluumaad lagu aqoonsan karo, Panorama waxay noo ogolaan kartaa in aan fiirino macluumaadka ku saabsan kooxaha kala duwan haddii 10 qof ama ka badan oo ka tirsan kooxdaas ka soo jawaabto wareysiga. Waxa Panorama na tusto waa isku-darka jawaabaha ay bixiyaan dhamaan xubnaha kooxda aan sida gaarka ah u danneyno. Tani waxay noo ogolaataa in aan ka fakarno sassaanka waayaha taasoo aan macluumaad naga siinin waxa qoyska u sheegay wareysiga.

Website by SchoolMessenger Presence. © 2024 SchoolMessenger Corporation. All rights reserved.